Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay ku tumatay sida uu hadalka u dhigay dastuurkii lagu heshiiyay, isla markaana ay dhaawacday nidaamka federaalka iyo hay’adihii dowladda. Khudbad uu ka jeediyay munaasabadda 1-da Luulyo ee ka dhacday Garoowe ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay weli wajahayso caqabado siyaasadeed oo halis gelinaya rajadii dib loogu dhisi lahaa dowlad ku dhisan heshiis iyo wadajir.
Deni ayaa ku dooday in dowladda federaalka ay wiiqday nidaamka federaalka, isla markaana ciidamada qaranka loo adeegsaday dano siyaasadeed. Wuxuu tusaale u soo qaatay dagaalladii dhawaan ka dhacay Muqdisho ee qaar ka mid ah Mucaaradka iyo ciidamada amniga gobolka Banaadir dhexmaray, isagoo sheegay in lagu bartilmaameedsaday siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed.
Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in maamulkiisu uu mar walba u taagan yahay midnimada Soomaaliya iyo ilaalinta nidaamka federaalka. Isagoo ka hadlayay wararka la xiriira qorista ciidamada federaalka ee Puntland, ayuu sheegay in amniga maamulkiisu uu sugan yahay, islamarkaana aan loo baahnayn ciidamo uu ugu yeeray kuwo “dibadda looga keeno”.
Madaxweynaha Puntland ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu dalka ku hoggaaminayo sida uu ku andacooday aragtiyo siyaasadeed oo gaaban, isla markaana uu ka leexday heshiisyadii siyaasadeed ee lagu dhisay dowladda federaalka, isagoo xusay in Puntland ay sii wadi doonto difaaca amnigeeda iyo ilaalinta nidaamka federaalka.
Deni wuxuu dowladda federaalka ku eedeeyay inay isku dayeyso inay carqaladeyso sida uu tilmaamay horumarka iyo xasilloonida Puntland, waxaana uu shacabka ugu baaqay inay ilaashadaan midnimadooda kana feejignaadaan waxa uu ku tilmaamay dacaayado iyo qorshayaal lagu khaldinayo bulshada.
HBN ONLINE TV

