Soomaaliya sanadkan sidii hore si ka duwan u xusaysa maalmaha xorriyadda, iyada oo dalku ku jiro xaalado adag oo siyaasad

Soomaaliya ayaa sandkan si ka duwan xiliyadii hore u maamuustay xuska 1-da Luulyo oo ah maalintii gobollada Koonfureed ee dalka ay xorriyadda ka qaateen gumaystihii Talyaaniga, isla markaana ah is raacii gobollada Waqooyi iyo Koonfureed si ay u dhisaan Jamhuuriyadda Soomaaliya, taasi oo hadda laga joogo 66-sano.

Inkasta oo sanad walba la soo bandhigo waxyaabaha soo kordha iyo isbdelada jira, hadane Waa maalin lagu xasuusto halgankii ay soo mareen halyeeyadii u dagaallamay xorriyadda iyo himiladii ay ka lahaayeen Soomaaliya mideysan oo madax-bannaan.

Sanad kasta, magaalooyinka dalka ayaa lagu xusaa munaasabaddan qaran, iyadoo Muqdisho ay noqoto xarunta ugu weyn ee dabaaldegga.

Fagaaraha Daljirka Daahsoon waxaa isugu yimaada kumannaan shacab ah, ciidamada qalabka sida iyo madaxda dowladda, kuwaas oo soo bandhiga dhoolatusyo iyo bandhigyo ka tarjumaya qiimaha ay maalintani u leedahay shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda sannadkan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Soomaaliya wajahayso dooddo siyaasadeed oo la xiriira midnimada dalka, kadib tallaabooyinkii ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland sannadkii 2025. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalal badan oo caalamka ka tirsan ayaa markaas ku adkeystay mowqifkooda ku aaddan ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Toddobaadka xorriyadda ee sannadkan ayaa noqday mid si weyn loogu xoojinayo fariimaha ku saabsan midnimada, wadajirka iyo qaranimada, wallow ay jiraan caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni, haddana 1-da Luulyo waxay weli astaan u tahay rajada, wadajirka iyo himilada Soomaaliyeed ee ku dhisan dal nabdoon, mideysan oo horumar gaara.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed