Dowladda Soomaaliya oo soo saartay go’aanno cusub, iyadoo kiisa ugu horreeya dhaqan galayo 24-ka saac ee soo socda

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday maanta 2 go’aan ii cusub oo lagu sheegay kuwo lagu xoojinayo isu sococdka dadweynaha iyo sugidda amniga dukumentiyada rasmiga ah. Go’aanka ugu horreeya ayaa dhaqan geli doona maalinta berri ah 1-da Luulyo 2026, iyadoo qof kasta oo codsanaya baasaboorka Soomaaliya nuuc walba laga doonayo inuu haysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Go’aankan ayaa waxaa si wadajir ah u soo saaray Hay’addaha Socdaalka iyo tan Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta (NIRA), kuwaas oo sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay hirgelinta qaraarkii Golaha Wasiirrada ee dhigaya in Aqoonsiga Qaranka loo adeegsado dhammaan adeegyada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Labada hay’adood ayaa sheegay inay iska kaashan doonaan tayeynta dukumentiyada rasmiga ah iyo la dagaallanka dukumentiyada been-abuurka ah.

Sidoo kale, labada hay’adood ayaa shaaciyay in laga bilaabo 1-da Oktoobar ay qasab noqon doonto in muwaadin kasta oo ku safraya gudaha dalka uu haysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka si loo xaqiijiyo socdaalkiisa. Inta ka horreysa waqtigaas, dadka ku safraya gudaha dalka waxaa si ikhtiyaari ah loo weydiin doonaa aqoonsigooda qaranka.

Hay’adda NIRA iyo Socdaalka ayaa sheegay inay sii xoojin doonaan wada-shaqeynta ku aaddan ilaalinta xogta muwaadiniinta, ka hortagga wax-ka-beddelka sharci darrada ah ee diiwaannada aqoonsiga iyo kor u qaadidda wacyiga bulshada ee ku saabsan muhiimadda dukumentiyada rasmiga ah ee ay bixiso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed