Mucaaradka Soomaaliya oo sheegay in DFS ay hurinayso xiisad amni oo ka taagan Puntland, kuna dacweeyey Beesha caalamka

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku midaysan yihiin Maamullada Puntland, Jubbaland & siyaasiyiinta Mucaaradka ah ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ay hurinayso sida ay hadalka ay dhigeen xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni oo ka taagan deegaanada Puntland.

Golaha ayaa ku eedeeyay DFS, si gaar ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, inuu ku guuldareysatay sida ay ku doodeen wax ka qabashada caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee dalka, isla markaana ay ciidamada iyo hay’adaha amniga u adeegsanayo dano ay  ku sheegeen kuwo siyaasadeed.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dowladda dhexe ay ka dambeyso sida uu Goluhu sheegay, abaabulka waxay ugu yeereen “maleeshiyaad iyo hurinta xiisado amni” oo ka socda Puntland. Golaha ayaa ka digay in arrimahaasi ay halis gelin karaan guulihii laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Daacish ee ka socda deegaannada Puntland.

Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka ayaa ku eedeeyay Dowladda inay ciidamo iyo hub loogu talagalay sida la carrabaabay la dagaallanka Alshabaab u adeegsatay khilaafyo siyaasadeed oo ka dhacay Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, taas oo la tilmaamay inay wiiqday dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

Bayaanka ka soo baxay oo dheeraa, ayuu Golohu ku sheegay in dalka uu wajahayo xaalad siyaasadeed oo adag, iyadoo aan weli la gaarin heshiis loo dhan yahay oo ku saabsan doorashooyinka iyo hannaanka kala guurka. Waxaa uu tilmaamay inuu ka digayo sii socoshada khilaafaadka siyaasadeed ii fursad siin karta Alshabaab iyo Daacish inay dib isu abaabulaan.

Mucaaradka ayaa beesha caalamka iyo dalalka ciidamadoodu ku jiraan howlgalka Midowga Afrika u gudbiyey dacwad ka dhan ah dowladda, taasi oo loogu baaqay inay hubiyaan taageeradooda dhaqaale iyo amni ee ay siiyaan Soomaaliya.

“Golaha Mustaqbalka wuxuu ugu baaqayaa saaxiibbada caalamiga ah in ay hubiyaan in taageerada siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee ay Soomaaliya siiyaan ay xoojiso ku dhaqanka Dastuurka, dhexdhexaadnimada iyo madax-bannaanida hay’adaha amniga.” ayaa lagu yiri warka Mucaaradka.

Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka ayaa ugu baaqay IGAD iyo saaxiibbada Soomaaliya inay qaadaan tallaabooyin lagu yareynayo xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee dalka, isla markaana la taageero hannaan doorasho oo ku dhisan is-afgarad qaran.

Dowladda Federaalka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin eedeymaha uu Golaha u jeediyay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed