Duqeyn loo adeegsaday diyaaradaha F-16 oo in ka badan 50 Alshabaab ah dhimasho & dhaawac loogu Geystay Shabeellaha hoose

Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa sheegtay in ugu yaraan 35 xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab lagu dilay, halka in ka badan 20 kalena lagu dhaawacay, kadib duqeyn dhanka cirka ah oo saaka ka dhacday deegaanka Godey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga, duqeynta waxaa fuliyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada Turkiga, iyadoo la adeegsaday diyaaradaha dagaalka ee F-16. Dowladda ayaa sheegtay in la beegsaday godad, kayd hub iyo goobo ay gabaad ka dhiganayeen xubno ka tirsan Alshabaab.

Sidoo kale, bayaanka lagu sheegay in duqeynta kaddib ay goobta ka dhaceen qaraxyo waaweyn oo is xigxigay, kuwaas oo dowladda ku sheegtay inay muujinayaan in halkaasi lagu kaydinayay hub, walxaha qarxa iyo saanad ciidan.

Dowladda waxay intaas ku dartay in goobta ay yaalleen gaadiid sida walxaha qarxa oo la sheegay in loo diyaarinayay weerarro ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa u mahadcelisay dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya ee ka taageera la-dagaallanka Alshabaab, iyadoo caddeysay in howlgalada lagu beegsanayo horjoogayaasha iyo dagaalyahannada kooxda ay sii socon doonaan ilaa laga ciribtiro sida ay ku dooday khatarta ay ku hayaan amniga dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed