Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka hadlay xaaladda siyaasadeed, dhaqaale iyo dowlad-dhiska dalka, isagoo sheegay in Soomaaliya ay weli wajahayso caqabado waaweyn oo salka ku haya hoggaan xumo, nidaam la’aan iyo isbeddel la’aan soo jiitamayay muddo ka badan 30 sano.
Wuxuu ayaa sheegay in inkastoo Soomaaliya ay leedahay dhul beereed ballaaran, Webiyo iyo kheyraad dabiici ah oo Bad & Beriba leh, haddana ay shacabka Soomaaliyeed wali ku tiirsan yihiin gargaar caalami ah iyo raashin dibadda laga soo dhoofiyo inta awoodda inay suuqa wax ka iibsadaan. Wuxuu masuuliyadda caqabadaha jira dusha u saaray hoggaanka dalka, kadib markii uu ku eedeeyey wax qabad-xumo.
Madaxweynaha ayaa xusay in dalka ay ka jiraan caqabado kale oo dhinacyada maamulka, maaliyadda, garsoorka iyo wax-soo-saarka, kuwaas oo uu sheegay inay caqabad ku yihiin horumarka iyo dowlad-dhiska.
“Waxaan haysannaa malaayiin hektar oo dhul beereed ah, laba webi iyo laba xilli-roobaad, haddana dadkeenna waxaa badankood ku nool yihiin kaalmo caalami ah, halka inta kalena ay ku tiirsan yihiin cunto dibadda laga keeno. Taas annaga ayaa sabab u ah, maadaama aan diidnay dowlad adag iyo inaan wax soo saar yeelanno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed aysan weli casharro ku filan ka baran burburkii dowladnimada oo hadda laga joogo 36 sano, wuxuuna dhaliilay habka ay u socoto siyaasadda dalka, kadib markii uu sheegay in siyaasadda Soomaaliya ay noqotay mid ku dhisan shaqsiyaad halkii ay ka ahaan lahayd mid ku dhisan hay’ado iyo sharciyo.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay u baahan tahay dowladnimo ku dhisan nidaam cad, sharciyo iyo hay’ado awood leh, halkii ay ku jiri lahayd siyaasad ku saleysan dano shaqsiyeed iyo waxa uu ku tilmaamay “Car iga garo”.
“Siyaasadeena waa qofaysan tahay, qofka inaan ka saarnaa rabnaa. Dowladnimo shaqeysa oo hana qaada intaasaa inaga xigta:- Nidaam habaysan, shuruuc, qawaaniin iyo siyaasaad la garanayo leh waxa uu u socdo iyo berri waxa uu qabanaayo la garanaayo ee aan ‘Car iga garo’ ahayn” ayuu yiri markale.
Waxaa uu sii raaciyey “Siyaasiyiinta qaarkood ee qofka ah in la garto ma aha waxa uu rabo. 36 sano kadib burburkii dowladnimada, haddii aan weli ku celcelinayno khaladaadkii hore oo aan waxba ka baran wayno, waa nasiib darro weyn”.
Madaxweyne Xasan Sheekh hadaladan ka sheegay kadib markii uu kaga qeyb galay Muqdisho xarig jarka dhismaha cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo dib u dhis lagu sameeyey, kana mid ahayd dhulkeeda meelaha dhawaan dadka laga saaray caasimadda.
Inkasta oo dowladdu dhul badan ka saartay shacab si ganguud ahaa u deganaa, hadane bilihii la soo dhaafay waxay dib u howlgalisay dhowr wasaaradood oo kala Ciyaaraha, Diinta & Aqaafta, Kaluumaysiga & Tan arrimaha Gudaha oo maanta ah.
HBN ONLINE TV

