Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya NISA ayaa qorshe siyaasadeed oo lagu ballaarinayo howlaheeda shaqo ee dalka qeybo kamid ah lagu baahinayo, kadib markii Agaasimaha Hay’adda Mahad Maxamed Salaad, uu maanta dhagax-dhigay xarun cusub oo ay hay’addu ka dhisaneyso magaalada Balanbal ee gobolka Galgaduud.
Xaruntan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo amniga magaalada Balanbal iyo deegaannada hoos yimaada, iyadoo qayb ka ah qorshaha NISA ay ku ballaarinayso xarumaheeda gobollada dhexe ee dalka.
Intii uu booqashada ku joogay Balanbal, Agaasimaha NISA ayaa kulan la yeeshay saraakiisha Sirdoonka ee ka howlgala degmada. Saraakiisha ayaa uga warbixiyay xaaladda amniga, habka ay u fuliyaan howlaha sirdoon iyo baahiyaha jira, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhismaha xaruntan cusub.
Dhismaha xaruntan ayaa kusoo beegmaya xilli ay NISA dardargelinayso ballaarinta xarumaheeda waqooyiga gobolka Galgaduud ee Galmudug. 28-kii bishaan Juun, Agaasimaha ayaa sidoo kale dhagax-dhigay xarun la mid ah tan oo laga hirgelinayo magaalada Cabudwaaq.
Sidoo kale, intii uu ku sugnaa Cabudwaaq, waxaa halkaasi lagu qabtay kulamo looga hadlay arrimaha amniga iyo dib u heshiisiinta, kuwaas oo lagu sheegay in xal kama dambeys ah looga gaaray colaad muddo u dhexeysay laba beelood oo ku dagaallamayay gobolka.
HBN ONLINE TV

