Sid ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Garoowe waxaa ka socda kulamo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni la yeelanayo odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, saraakiisha amniga, bulshada rayidka ah iyo qaybaha kale ee bulshada, kuwaas oo diiradda lagu saarayo xiisadda ka dhalatay joogitaanka ciidamada Dowladda Federaalka ee deegaannada mamulkaasi.
Xogta hordhaca ah iyo sida ay soo tabinayaan wararka warbaahinta gudaha Madaxweyne Deni ayaa kulamadan uga warbixinaya waxa uu maamulka Puntland ku tilmaamay culays siyaasadeed iyo mid amni oo la xiriira dhaqdhaqaaqa ciidamada Federaalka ee deegannadooda ka jira. Dadka uu la kulmayo ayaa tilmaamay inuu hordhigay codsi ku aadan in qaybaha kala duwan ee bulshada ay door ka qaataan dadaallada lagu dejinayo xaaladda iyo ka hortagga wax kasta oo horseedi kara isku dhac.
Sidoo kale, Xiisadda u dhaxaysa Puntland iyo Dowladda Federaalka ayaa sii xoogeysatay maalmihii la soo dhaafay, kadib hadallo adag oo ay is dhaafsadeen mas’uuliyiinta labada dhinac. Puntland ayaa dowladda dhexe ku eedeysay inay hub iyo ciidamo u daabulayso deegaannadeeda, halka ay sheegtay inay qaaday tallaabooyin lagu ilaalinayo amniga maamulka.
Puntland ayaa dhawaan mamnuucday dhaqdhaqaaqa siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka ee deegaannadeeda, iyadoo sidoo kale ka digtay in aan laga qorin ciidamo cusub ama aan laga sameyn dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aan oggolaansho haysan deegaanaddaeeda. Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli ay socdaan dadaallo la doonayo in lagu yareeyo xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa labada dhinac.
HBN ONLINE TV

