Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, kadib socdaallo uu ku kala tegay dalalka Kenya iyo Jabuuti. Safarka madaxweynaha ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya la leedahay dalalka Geeska Afrika.
Sida ay Madaxtooyada Soomaaliya sheegtay, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Itoobiya kulan la yeelan doona Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, iyagoo ka wada hadli doona xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in mudnaanta la siinayo xasilloonida gobolka, la dagaallanka khataraha amni iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal.
Madaxweynaha ayaa intii u dhexeysay 21-ka ilaa 26-ka Bishan Juun booqashooyin ku tegay Kenya iyo Jabuuti, halkaas oo kulamadii uu la yeeshay madaxda dalalkaas diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya waddamada gobolka. Dowladda Soomaaliya ayaa kulamadan ku tilmaantay kuwo lagu dhisayo isfaham siyaasadeed iyo iskaashi amni oo ballaaran.
Sidoo kale, Wararka laga helayo Madaxtooyada ayaa tilmaamaya in Soomaaliya ay waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu xoojinayo iskaashiga dalalka Geeska Afrika, xilli ay taagan tahay arrinta xiriirka Somaliland iyo Israa’iil. Soomaaliya ayaa sheegtay inay mudnaanta siinayso adkaynta xiriirka dalalka deriska ah iyo wada-shaqaynta lagu wajahayo caqabadaha amni iyo dhaqaale ee gobolka.
HBN ONLINE TV

