Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa ku dhawaaqay magacaabista muwaadinka Soomaaliyeed Maxamed Yahye inuu noqdo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Gargaarka Bini’aadantinimada iyo Ku-xigeenka Isku-duwaha Gargaarka Degdegga ah ee Xafiiska Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadantinimada (OCHA).
Maxamed Yahye ayaa xilkan kala wareegaya Joyce Msuya oo u dhalatay Tanzania, taas oo muddo ka soo shaqeynaysay howlaha gargaarka bini’aadantinimada.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Maxamed uu xilkan ku yimid isagoo leh in ka badan 20 sano oo waayo-aragnimo ah oo ku saabsan horumarinta, gargaarka bini’aadantinimada iyo nabad-dhisidda. Mudadaas wuxuu kasoo shaqeeyay xarunta dhexe ee Qaramada Midoobay, xafiisyada gobollada iyo goobaha hawlgalka ee Afrika iyo Koonfurta Aasiya.
Ka hor magacaabistan, Maxamed Yaxye wuxuu ahaa Isku-duwaha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Horumarinta iyo Gargaarka Bini’aadantinimada ee Pakistan, halkaas oo uu hoggaaminayay mid ka mid ah howlgalada ugu waaweyn ee Qaramada Midoobay ee gobolka Aasiya iyo Baasifigga, isla markaana uu isku dubbariday jawaabtii hay’addu ka bixisay fatahaadihii waaweynaa ee Pakistan sanadkii 2025.
Sidoo kale, wuxuu hore u soo noqday Wakiilka Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Nigeria, isagoo hoggaaminayay mid ka mid ah xafiisyada ugu waaweyn ee hay’addaasi ku leedahay caalamka.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay magacaabista Mohamed Yahya, iyadoo ku tilmaantay guul muujinaysa kaalinta sii kordheysa ee ay Soomaalidu ku leeyihiin hay’adaha caalamiga ah iyo howlaha Qaramada Midoobay.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa isna qoraal uu ku baahiyay barta X ku hambalyeeyay Maxamed Yaxya, isagoo sheegay in magacaabistan ay sharaf iyo guul u tahay Soomaaliya iyo dhammaan muwaadiniinteeda.
HBN ONLINE TV

