Soomaaliya oo Mareykanka ku wareejisay eedeysane loo haysto khiyaano maaliyadeed, iyadoo uusan jirin heshiis isu-dhiibid dambiilayaal

Dowladda Soomaaliya ayaa Mareykanka ku wareejisay Cabdikariim Iidle, oo lagu eedeeyay inuu hoggaaminayay kiis khiyaano maaliyadeed oo la xiriira gobolka Minnesota.

Iidle ayaa lagu qabtay Muqdisho, kadib howlgal ay iska kaashadeen Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA iyo laamaha ammaanka Mareykanka. Kadib qabashadiisa, eedeysanaha ayaa loo gudbiyay Mareykanka, halkaas oo uu ku wajihi doono dacwado la xiriira khiyaano maaliyadeed iyo lunsashada sida la tilmaamay lacago dadweyne.

FBI-da ayaa NISA uga mahadcelisay doorkii ay ka qaadatay helitaanka iyo qabashada eedeysanaha, Hase yeeshee, kiiskan ayaa dhaliyay dood sharci, iyadoo qaar ka mid ah falanqeeyayaasha qaanuunka ay su’aal geliyeen sababta Soomaaliya ugu wareejisay Mareykanka eedeysane, maadaama labada dal aysan lahayn heshiis rasmi ah oo isu-dhiibid dambiilayaal ah.

Sidoo kale, Arrintan ayaa ku soo aadaysa xilli hadallada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ku saabsan Soomaaliya ay dhalisay caro, waxaana dad badan ay ku tilmaameen kuwo nacayb iyo cunsuriyad xambaarsan.

Dhankeeda Dowladda Somaaliya kama aanay jawaabin sifada sharci ee ay Washington ugu wareejisay shaqsi dalkeeda u dhashay oo dal kale dambi ka soo galay, halka sidoo kale wax la iska waydiinayo in muwaadinkan dambigiisa lagu qaadi karay Soomaaliya iyo inkale.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed