Madaxweyne Cirro oo dib ugu laabtay Hargeysa ka dib safarkiisii Israa’iil

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa dib ugu soo laabtay Hargeysa kadib safar 10 maalmood qaatay oo uu ku tegay Israa’iil. Intii uu joogay, wuxuu kulamo la yeeshay Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, iyo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, waxaana safarkiisa ku weheliyay xubno sare oo ka tirsan xukuumaddiisa.

Safarkan bilowday 14-kii bishaan Juun ayaa waxyaabaha lagu soo kala saxiixday ka mid ah heshiisyo la xiriira amniga, ciidamada, beeraha iyo iskaashiga dhaqaale.

Maalin kadib socdaalkiisa Israa’iil madaxweyne ayaa magaalada Qudus ka furay safaaraddii ugu horreysay ee Somaliland ku yeelato dibadda, taasoo noqotay safaaraddii 8-aad ee laga furo magaaladaas. Dalalka hadda safaaradaha ku leh magaalada Qudus waxaa ka mid ah Mareykanka, Guatemala, Honduras, Kosovo, Papua New Guinea, Paraguay iyo Fiji, halka wadamada Hungary, Czech Republic iyo Slovakia iyaguna xafiisyo ama laamo safaaradeed ku leeyihiin magaaladaasi.

Cirro oo isagu sheegay in socdaalkan u kii 2-aad ee Israa’iil uu tago ayaa ku dooday in heshiisyada lala galay Talaabiib ay saldhig u yihiin xiriir istiraatiiji ah oo waara, isla markaana lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada amniga, ganacsiga, dhaqaalaha iyo horumarinta mustaqbalka.

Wareysi uu siiyey horaantii todobaadkan warbaahinta i24 ee Israa’iil laga leeyahay Cirro ayaa lagu waydiiyey “Israa’iil kadib, yaa xiga oo aqoonsan doona Somaliland?”, wuxuuna sheegay inay jiraan dalal badan oo liiska ku jira.

Sidoo kale, Safarkan ayaa yimid kadib markii Israa’iil bishii Diseembar 2025 ku dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid aqoonsigaas, iyadoo ku tilmaantay mid aan sharci ahayn oo aan waxba ka beddelayn mowqifka caalamka ee Somaliland. Dowladda ayaa sheegtay in tallaabada Israa’iil ay tahay “dabin” isla markaana beesha caalamka inteeda badan ay weli Somaliland u aqoonsan tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed