Puntland oo soo saartay go’aanno amni oo lagu kala dhantaalayo siyaasiyiinta deegaanadeeda iyo DFS

Xukuumada Puntland ayaa soo saartay war adag shir looga hadlay xaaladda amniga deegaannada maamulkaas, kaasi oo ay ku dhawaaqday go’aanno cusub oo la xiriira amniga iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee deegaannada ka wadaan xubnaha siyaasiyiinta Mucaaradka ah gobolka.

War saxaafadeed ay Wasaaradda Amniga Puntland ayaa lagu sheegtay in deegaannadeeda laga mamnuucay siyaasiyiinta iyo saraakiisha ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS oo ay ku eedeysay inay doonayaan sida ay hadalka u dhigtay inay qalqal geliyaan amniga maamulka. Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka, dadkaasi looma oggolaan doono inay ka soo galaan xuduudaha iyo garoomada Puntland.

Sidoo kale, maamulka Puntland ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay hub sharci darro ah soo gelinayso sida ay carrabaabrtay deegaannada Puntland, isla markaana lagu dejinayo garoomada diyaaradaha. Puntland waxay uga digtay shirkadaha diyaaradaha inay qaadaan hub noocaas ah, iyadoo sheegtay in wixii ka dhasha ay mas’uuliyaddiisu dusha ka saaran tahay diyaaraddii qaadda.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu mamnuucay in gudaha Puntland laga qorto wax loogu yeeray maleeshiyaad hubeysan ama laga sameeyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo aan sharci ahayn, halka ay ku goodisay in tallaabo sharci ah ka qaadi doonto cid kasta oo ku lug yeelata arrimahaas.

Go’aannadan ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeystay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay isku hayaan arrimo la xiriira maamulka iyo amniga.

“Puntland waxay shaacisay in mas’uuliyiinta ka tirsan Dawladda Federaalka ee looga shakisan yahay inay qas iyo dhibaato ka abuuraan deegaanka laga mamnuucay inay ka soo galaan xuduudaha iyo garoomada Puntland” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Puntland.

Puntland waxay u muuqataa inay tallaabooyinkan uga gol leedahay inay ka hortagto dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay Dowladda Federaalka ka sameyso deegaannadeeda, xilli ay jireen warar sheegayay in dowladda federaalku qorsheynaysay dib u howlgelinta cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo hore ugu sugnaa deegaannada Puntland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed