Xogo culus oo xasaasi ah oo ka soo baxaya socdaalka Ra’isaal wasaaare Xamsa maanta ku tagay caasimadda Galmudug

Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa manta gaaray magaalada Dhuusamareeb safar lagu macneeyay inuu yahay soo afjarista khilaaf siyaasadeed oo muddooyinkan ka dhex taagnaa Dawlada Federaalka & Maamul Goboleedka Galmudug.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Ra’isal wasaaruhu dhameystiri doono wadahadal maalmahan Dhuusamareeb uga socday Taliyaha hay’adda Nabadsugidda Qaranka NISA Mahad Maxamed Salaad & Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), iyadoo arrimaha khilaafku ka dhashay ay ugu waynayd arrimaha doorashooyinka qof iyo codka ah.

Wada-hadalladan oo galay dhowr wareeg ayaa waxaa ay u dhexeeyeen ergo ka socota dowladda dhexe oo uu hoggaaminayo Taliyaha NISA kuwaas oo la fariistay Qoor Qoor, iyada oo ugu dambeyn laga gaaray is-fahan hordhac ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul waaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre uu ka qayb-geli doono dhammaystirka is-afgaradka labada dhinac, si loo soo afjaro xiisadda siyaasadeed ee Galmudug, kadibna loo guda galo doorashooyinka maamulka.

Ilo wareedka ayaa intaasi ku daraya in waxyaabaha la isku fahmay ay ka mid tahay in hannaanka doorasho ee DFS waddo laga qabto Galmudug inta hawshu socotana xilka uu sii hayo Madaxweyne Qoor Qoor, waxaanse la ogayn inuu yahay musharaxa xisbiga JSP ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, walow loo beddelayo inuu noqon karo shakhsi kale qofka u tartami doona xisbiga.

Waxaan kaloo la ogeyn in Qoor Qoor iskiis u tartami doono & in kale inkastoo arrintaasi ay tahay midda keentay khilaafka ayna u badan tahay inuu ka tanaasulo tartanka doorashada balse ilaa iyo hadda si rasmi ah looma xaqiijin arrinkan.

Villa Somalia ayaa dooneysa in isbeddel siyaasadeed laga sameeyo Galmudug, isla markaana doorashada madaxtinimada maamulka ee la qabanayo bisha soo socota ee July lagu doorto musharrax ka imaan doona urur-siyaasadeedka xisbiga JSP oo ku guulaystay doorashadii dhowaan ka dhacday Koonfur Galbeed. Sidoo kale, waxaa shaqsi la doorto uu yeellan doona magaca Hoggaamiye, taasi oo la macna ah in la dhaqan galinayo dastuurka cusub ee dalka, wallow uu wajahayo diidmooyin waaweyn oo ka imaanaya Mucaaradka siyaasadda oo ay wehliyaan maamullada Puntland iyo Jubbaland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed