Maxkamadda Ciidamada Puntland oo xukunno toogasho iyo xabsi ah ku riday rag helay dambiyo dilal ah

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee maamulka Puntland ayaa maanta sheegtay in la soo gabagabeeyey dhageysiga dacwad loo heystay laba eedeysane oo lagu soo oogay dambiyo la xiriira dil iyo dhac, iyadoo ku dhawaaqday xukunnada kama dambaysta ah ee ay gaartay.

Go’aanka Maxkamaddu ayaa lagu sheegay in nin lagu magcaabo Cumar Caato Cali lagu xukumay dil toogasho ah, kaddib markii lagu helay dambiyo dilal ah oo lagu soo eedeeyey, sida ay sheegtay maxkamaddu. Dadka uu dilay oo ah laba rag ah ayaa la sheegay in si kas ah uu u dilay.

“Maxkamadda waxay ku xukuntay dambiile Cumar Caato Cali Ugaadh 32 jir ah dil toogasho ah oo ah qisaastii Marxuumiinta kala ah Maxamuud Cismaan Bagaa-bagaa 27 jir ah iyo Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Ciise Foodhi 40 jir ah” ayaa lagu yiri warka Maxkamadda.

Sidoo kale, Cabdimaalik Diiriye Jaamac Qamaan ayaa lagu xukumay xabsi 18 Bilood ah iyo ganaax lacageed, kaddib markii maxkamaddu ku heshay dambiga lagu soo oogay.
“Waxaa Maxkamaddu ku xukuntay Dambiile Cabdimaalik Diiriye Qamaan 29 jir ah hal sano iyo lix bilood oo xarig ah iyo $1,500 Doollar oo ganaax ah” ayaa la sii raaciyey.

Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa sheegtay in xukunnadan ay ka dambeeyeen baaritaanno iyo dhageysi sharci oo lagu qiimeeyay caddeymaha la horgeeyay maxkamadda, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin waqtigan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed