Caasiamadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socota qabanqaabada lagu soo dhaweynayo wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan magaaladaas.
Waxaa si weyn loo adkeeyey amniga maagaalada, iyada oo Ciidamo ka tirsan ilaalada gaarka ah ee Ra’iisul Wasaaraha, Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo ciidamada Hiil-walaal ee Jabuuti la geeyay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur si ay u xaqiijiyaan amniga booqashada.
Sidoo kale, Inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxda sare ee maamulka Galmudug iyo xubno ka socda qaybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo kulamadaasi lagu wado in looga hadlo arrimo la xiriira amniga, horumarinta iyo iskaashiga dowladda dhexe iyo Galmudug.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

