Magaalada Laascaanood ayaa maanta lagu aasay maydadka 28 qof oo ku geeriyooday sida la sheegay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Ari-Caddeeye ee gobolka Sool, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah iyo masuuliyiin ka qayb gashay aaska.
Inkasta oo maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya uusan weli si rasmi ah uga hadlin khasaaraha dagaalka ama faahfaahinta dhacdada, hadane waxaa degan xaaladda Ari-Caddeeye, iyada oo khasaare dhaawac oo aan la tiro kooban la soo waraniyo inuu jiro.
Wararka ayaa sheegaya in dadka ku dhintay dagaalka ay ku jireen haween, carruur iyo dad da’ ah. Dadka deegaanka ayaa weli hadal haya khasaaraha baaxadda leh ee dagaalkaasi geystay, waxaana la tilmaamay in weerarkan khasaaraha badan dhaliyey uu daba socday dilal hore uga dhacay gobolka Sool.
Mid kamid ah odaayasha dhaqanka Aridhi-cadeeye ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay deegaaanka ay gaartay 28 ruux, isaga oo tilmaamay in laga baaqsan karay dhacdada.
Sidoo kale, saraakiisha hay’adaha ammaanka ee maamulka Waqooyi Bari ayaa la sheegay inay yeesheen kulamo la xiriira xaaladda amni, hase yeeshee weli wax war rasmi ah kama aysan soo saarin go’aannada laga gaaray ama tallaabooyinka la qorsheeyay.
Waxgaradka deegaanka Ari-Caddeeye ayaa lagu soo waramayaa inay wadaan dadaallo lagu dejinayo xiisadda, si looga hortago rabshado hor leh iyo in colaaddu dib uga qaraxdo deegaanka, halka ilo madaxbanaan ay sheegeen in dagaalkan uu ku soo beegmayo xilli gobolka Sool ay marar kala duwan ka dhacayeen xiisado iyo dilal la xiriira aanooyin hore iyo khilaafaad deegaan.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa cambaareysay colaadda ka dhacday deegaanka Aricaddeeye, oo ay ku tilmaantay mid nasiib darro ah oo u dhexeysa laba maleeshiyo beeleed. Wasaaraddu waxay sheegtay inay aad uga xun tahay dhibaatada soo gaartay dadka rayidka ah, waxayna ku baaqday in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo joojiyo dagaalka iyo dhammaan falalka hurin kara xiisadda, iyadoo dhinacyada ku boorrisay inay mudnaanta siiyaan nabadda iyo wada noolaanshaha.
Sidoo kale, waxay ugu baaqday odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhallinyarada iyo waxgaradka deegaanka inay door muuqda ka qaataan daminta xiisadda iyo dhiirrigelinta wada hadal lagu soo afjaro colaadda.
HBN ONLINE TV

