Xubin sare oo ka tirsan xafiiska siyaasadda ee Xuutiyiinta Yaman ee ee loo yaqaan Ansarullah ayaa ka digay joogitaanka ciidamo Israa’iiliyiin ah oo laga yaabo inay ku sugan yihiin biyaha dhuleed ee Soomaalida, isagoo sheegay in tallaabo kasta oo noocaas ah loo aqoonsan doono “bartilmaameed sharci ah”.
Mohammed al-Farah, oo ka tirsan xafiiska siyaasadda ee Ansarullah, ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqoodu ay si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqyada ay Israa’iil iyo Mareykanku ka wadaan Soomaaliya. Wuxuu xusay in Badda Cas iyo Marinka Bab al-Mandab ay yihiin goob istaraatiiji ah oo muhiim u ah Yaman iyo guud ahaan gobolka.
Wuxuu sheegay in joogitaanka ciidamada Israa’iil Somaliland uu khatar ku yahay amniga qaranka Yemen, isagoo intaa ku daray in hoggaamiyaha Ansarullah, Cabdulmaalik Badreddiin Al-Xuuthi, uu hore u sheegay in joogitaan kasta oo milatari oo ay Israa’iil ama Mareykanku ku yeeshaan Somaliland loo tixgelin doono khatar toos ah, islamarkaana si adag looga jawaabi doono.
Al-Farah ayaa carrabka ku adkeeyay in joogitaan kasta oo noocaas ahi uu noqon doono “xarriiq cas” aan la oggolaan doonin in la gudbo, isla markaana loo aqoonsan doono bartilmaameed sharci ah.
Sidoo kale wuxuu sheegay inaan loo baahnayn saldhigyo shisheeye ama joogitaan ciidan oo ajnabi ah si loo sugo ammaanka Badda Cas, isagoo xusay in mas’uuliyadda amniga marin-biyoodkaasi ay saaran tahay waddamada gobolka, gaar ahaan kuwa xeebaha leh. Wuxuu ku dooday in Badda Cas aysan ahayn goob u furan quwadaha shisheeye ama cid kasta oo doonaysa inay u adeegsato dano uu ku tilmaamay “kuwa Sahyuuniyadda, gardarrada iyo Mareykanka.”
Bishii Diseembar 2025, Israa’iil waxay aqoonsatay Somaliland, laakiin Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid tallaabadaas, iyadoo ku tilmaantay mid sharci-darro ah isla markaana ku celisay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dhowaan wafdi Somaliland ka socda ayaa tagay magaalada Qudus ee la haysto halkaasi kulamo kula soo yeesheen madaxda Israa’iil, waxaana madaxweynaha Somaliland uu sheegay in uusan meesha ka saarayn in Israa’iil saldhig military uu siiyo.
HBN ONLINE TV

