Xogo dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaallo goosgoos ah oo ka dhacay baydhabo iyo duleedkeeda

Dagaal u dhexeeya ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiisa Xasan Lafta-gareen iyo kuwa dowladda ayaa mar kale ka dhacay magaalada Baydhaba, kaddib markii ciidamada daacadda u ah ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada dowladda ku lahaayeen bannaanka magaalada.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku adeegsadeen hub kala duwan, iyadoo rasaasta laga maqlayay gudaha Baydhaba. Iska hor imaadka ayaa cabsi ku abuuray shacabka magaalada, hase yeeshee weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Ma jiro wax war ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed. Ciidamada weerarka qaaday ayaa hore looga saaray gudaha Baydhaba, balse muddooyinkii dambe waxay isku uruursanayeen deegaannada ku hareeraysan magaalada, halkaas oo ay ka soo saari jireen muuqaallo ay ku diiddan yihiin maamulka cusub.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu maanta gaaray magaalada Baydhaba hoggaamiyaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe. Inkasta oo xaaladda Baydhaba ay saaka deggan tahay, haddana waxaa weli taagan walaaca laga qabo soo noqnoqoshada dagaallada u dhexeeya labada dhinac.

Dhanka kale shalay, Duleedka magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya ciidamada Dowladda Federaalka iyo ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee maamulkaasi, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Dagaalka ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan weli la shaacin tirada rasmiga ah ee waxyeellada, waxaana la sheegay inay la wareegeen mid ka mid ah saldhigyadii ay ciidamada ka soo duullaanka ahaa ku sugnaayeen, ayna gacanta ku dhigeen maxaabiis, balse ma jirto cid madaxbanaan arinkaasi u xaqiijisay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed