Wararka laga helayo deegaanka Adhi-cadeeye, oo qiyaastii 30 kiiloomitir waqooyi kaga beegan magaalada Laascaanood, ayaa sheegaya in maanta uu halkaas ka dhacay dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in xaaladda goobta ay weli tahay mid kacsan, iyadoo dhaawacyo badan loo qaaday xarumaha caafimaadka ee magaalada Laascaanood. Wararka ayaa tilmaamaya in qaar kamid ah dhaawacyada ay yihiin kuwo culus, inkastoo aan weli la shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha.
Dhanka kale, Wasiirka Tamarta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareeyay rabshadaha ka dhacay Adhi-cadeeye, isagoo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dilalka iyo colaadda.
Sidoo kale, Waxaa uu ugu baaqay maamulka Waqooyi Bari inay qaadaan tallaabooyin lagu sugayo amniga, isla markaana cadaaladda la horkeeno cid kasta oo ku lug leh falalkaas.
Ma jiro ilaa hadda war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Waqoyi bari oo faahfaahinaya sababta dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay, iyadoo bulshada deegaanka ay ku baaqayaan in si degdeg ah loo soo afjaro colaadda si looga hortago khasaare hor leh.
HBN ONLINE TV

