Xisbiga talada haya Itoobiya ee Barwaaqo oo uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, ayaa ku guuleystay inta ugu badan kuraasta Baarlamaanka Federaalka dalkaasi, taasoo u suuragelinaysa inuu sii hoggaamiyo dalka muddo 5 sano ah oo kale.
Guddiga Doorashooyinka Itoobiya ayaa si rasmi ah u shaaciyay natiijada kama dambaysta ah ee doorashadii guud ee 7-aad ee dalka, taas oo la qabtay 1-dii bishaan Juun 2026.
Guddoomiye ku xigeenka guddiga, Tesfaye Neway, ayaa sheegay in Xisbiga Barwaaqo uu ku guuleystay ku dhowaad 90% kuraasta Baarlamaanka Federaalka oo ah 438 kursi, isagoo noqday xisbiga haysta aqlabiyadda Golaha Wakiillada Shacabka.
Sida natiijada rasmiga ah lagu sheegay, Xisbiga EZEMA ayaa helay 13 kursi, halka Xisbiga ABN uu ku guuleystay 6 kursi, kuwaas oo uu ka helay gobolka Amxaarada. Xisbiga Medrek ayaa isna helay 3 kursi oo uu ka kasbaday gobolka Sidama, halka xisbiyo kale iyo musharraxiin madax-bannaan ay iyaguna ku guuleysteen kuraas baarlamaan.
Doorashadan ayaa ka dhacday deegaanno badan oo uu ku jiro Gobolka Soomaalida—Hase yeeshee, waxaa hareeyay dhaliilo iyo eedeymo ay soo jeediyeen qaar ka mid ah dhinacyada siyaasadda iyo dadka u kuurgala doorashooyinka, kuwaas oo ku andacooday in goobaha codbixinta qaarkood ay ka dhaceen ku shubasho iyo in qaar ka mid ah dadka loo arkayay inay kasoo horjeedaan dowladda—lagana hor istaagay ama laga xayuubiyay fursaddii ay codkooda ku dhiiban lahaayeen. Dowladda iyo Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymahaas.
Maamulka gobolka Soomaalida oo isagu si weyn u taageersan xisbiga Abiy Axmed ayaa sheegay in doorashadu u dhacday si nabdoon oo cadaalad ah, iyada oo tilmaamay in goobaha codbixinta ahaayeen kuwo si siman bulshadu rabitaankooda cod u wada dhiibteen.
HBN ONLINE TV

