Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin maamullada Puntland, Jubbaland iyo siyaasiyiin mucaarad ah, ayaa ku dhawaaqay hannaan doorasho toos lagu tilmaamay oo ku-meel-gaar ah, kaas oo ay sheegeen inuu saldhig u noqonayo xal u helidda khilaafka siyaasadeed iyo qabashada doorasho loo dhan yahay.
Mucaaradka oo u muuqda kuwa u hoggaansamay rabitaanka Dowladda ee doorasho aan dadbanayn ayaa ku sheegay War-saxaafadeed ay soo saareen in hannaankan cusub uu is waafajinayo xaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin sida hadalka loo dhigay inay si xor iyo toos ah u doortaan wakiilladooda, iyadoo isla markaana la ilaalinayo hab-qaybsiga awoodda ee nidaamka 4.5 inta lagu jiro marxaladda kala guurka.
Sidoo kale, Goluhu wuxuu sheegay in go’aankan uu ka dhashay tanaasul siyaasadeed iyo tixgelinta sida lagu dooday shacabka Soomaaliyeed ee doonaya in si degdeg ah loo soo afjaro muranka ka taagan doorashooyinka.
Waxa kale oo ay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS inay joojiso sida hadalka loo dhigay doorashooyinka ay hadda waddo, iyagoo ku tilmaamay kuwo hal dhinac ah oo natiijadooda hore loo sii qorsheeyay, si fursad loogu helo wadahadallo siyaasadeed oo lagu heshiiyo hannaanka doorashada.
Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay in faahfaahinta hannaanka, mabaadii’da hagaysa iyo habraacyada fulintiisa si rasmi ah loo soo bandhigi doono marka la isugu yimaado wadahadallada lagu xallinayo khilaafka doorashooyinka iyo maamulka marxaladda kala guurka siyaasadeed ee dalka.
Wadahaladii hore ee Mucaradka iyo DFS ayaa dhowr ku soo idlaaday natiijo la’aan, iyada oo aan wax heshiis ah laga gaarin, waxaana dowladdu ku eedeysay qaar ka mid ah mucaaradka inay miiska la yimaadeen qodobo ka baxsan ajandayaasha lagu heshiiyey oo aan lahayn sal dastuuri ah.
Xubnaha beesha caalamka ee ku lug leh arrimaha Soomaaliya ayaa 1-dii bishaan Juun soo saaray bayaan wadajir ah oo ay walaac kaga muujiyeen xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ka jirta, iyagoo ugu baaqay dhinacyada siyaasadda inay dib ugu laabtaan wadahadallada, waxaana War-saxaafadeed ay soo saareen 16 dal, Midowga Yurub (EU) iyo Xafiiska Taageerada ku-meel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) lagu dalbaday in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay sida ugu dhaqsaha badan heshiis uga gaaraan qorshaha iyo hannaanka doorashooyinka si loo ilaaliyo danaha shacabka Soomaaliya.
Inkasta oo bayaano tiro beel ah ka soo bexeen dhinacyada ku lugta leh siyaasadda Soomaaliya, hadane Mucaaradka iyo DFS ayaa khilaafkoodu ka gaaray in dagaal khasaare dhimasho, dhawaac & burbur hantiyadeed ah ka dhashay dagaallada 4-tii ilaa 6-dii bishaan ku dhexmara xaafado ku yaalla Muqdisho.
Toddobaad kadib dagaalladasi Muqdisho waxaa Madaxtooyada Soomaaliya sheegtay in qaar ka mid ah mucaaradka ay isku dayayeen inay awoodda dalka kula wareegaan sida hadalka ay u dhigtay qori caaradii, iyada oo ku dooday inay adeegsadeen hab ka baxsan nidaamka dimuqraadiyadda.
Dhanka kale, xubno ka tirsan mucaaradka ayaa shaaciyey in dowladda Turkigu ay dhexdhexaadin ka dhex waddo iyaga iyo dowladda Soomaaliya. Waxay ka war bixiyeen kulamo ay la qaateen saraakiil ka socotay Turkiga iyo xubno ka mid ah beesha caalamka oo si gooni gooni ah ula kulmay, kuwaas oo la xiriiray gacan ka hadalkii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo tallaabooyinka ay dowladda Soomaaliya hub ka dhigista ugu sameynayso siyaasiyiinta qaar.
Dalabkan cusub ee mucaaradka DFS kama aanay jawaabin.
HBN ONLINE TV

