Sida ay soo tabinayaan wrbaahinta Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah ay weli ka taagan tahay degmada Jalalaqsi, halkaas oo dhowr maalmood ee la soo dhaafay ay ku dagaallamayeen laba maleeshiyo beeleed. Xogta la helay ayaa tilmaamaysa in labada dhinac ay weli isku horfadhiyaan gudaha degmada, iyadoo laga cabsi qabo in dagaal kale uu qarxo.
Dagaalladii dhacay ayaa sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed, inkastoo aan weli la helin tiro rasmi ah. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale sheegaya in guryo badan lagu gubay intii degmada ay ka socdeen iska horimaadyada.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dad hubeysan iyo shacab kale oo gubaya guryo laga barakacay, arrintaas oo sii kordhisay walaaca laga qabo saameynta colaadda iyo burburka ka dhashay.
Dhanka kale, waxaa galinkii dambe ee maanta gaaray magaalada masuuliyiin sare uu jiro madaxweyne xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Ahmed Hagar oo ay la socdaan xubno ka tirsan hay’adda Dowladda Soomaaliya iyo maamulkaasi. Socdaalka wuxuu la xariira xal uhelida Colaada socota.
Madaxtooyada Hirshabelle oo soo saartay war-saxaafadeed ay ku baaqeyso in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ayaa ugu baaqday dhinacyada diriraya inay qaataan nabadda iyo wada hadalka.
Maamulka ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka inay hormuud ka noqdaan dadaallada lagu soo afjarayo colaadda, isagoo sheegay inuu si weyn uga xun yahay dhibaatada soo gaartay dadka walaalaha ah ee ku dagaallamaya degmada Jalalaqsi.
HBN ONLINE TV

