Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dagaallada iyo falalka aargoosiga ah ee ka socda Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay isku fara saareen laba maleeshiyo beeleed oo deegaanka wada dega.
Wasaaraddu waxay sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda, isla markaana ay ka xun tahay khasaaraha naf iyo maal ee ka dhashay colaadda, taas oo sababtay dhimasho, dhaawac, gubista guryo, dhac hantiyeed iyo barakac soo gaaray shacabka deegaanka.
War saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu adkeeyey in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaallada, iyadoo hay’adaha ammaanka lagu amray inay ka shaqeeyaan dejinta xiisadda iyo sugidda amniga.
Sidoo kale, bayaanka digniin loogu diray dadka baraha bulshada ku faafinaya waxyaabaha hurinaya colaadda iyo kala fogeynta bulshada, iyadoo sheegtay in laga qaadi doono tallaabooyin waafaqsan sharciga.
Wasaaraddu waxay ugu baaqday odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhallinyarada, waxgaradka iyo maamulka Hirshabelle inay door firfircoon ka qaataan nabadaynta iyo xal u helidda khilaafka jira si looga hortago sii socoshada colaadda.
HBN ONLINE TV

