Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12-aad oo sannadkan ay u fariisteen 44,136 arday, sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
Imtixaanka ayaa ka socda 58 degmo oo ku kala yaalla Muqdisho iyo gobollada dalka, waxaana loo diyaariyey 158 xarumood oo ay ka howlgalaan macallimiin, howlwadeennada Wasaaradda Waxbarashada iyo ciidamada ammaanka si loo xaqiijiyo habsami u socodka imtixaanka.
Meelaha Imtixaanka sanadkan waxaa looga fadhiistay gobolka Banaadir, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Waqooyi Bari, waxaana meelahaas wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya gaystay dhamaan Imtixaanka iyo korjoogayaasha ku malataya goobaha lagu qabanayo.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo isagu furay Imtixaanka ayaa ardayda u rajeeyay guul, isagoo sheegay in iskaashiga u dhexeeya ardayda, macallimiinta iyo dowladda uu horseedi karo mustaqbal wanaagsan. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay madaxda dugsiyada iyo Wasaaradda Waxbarashada oo uu ku ammaanay joogteynta imtixaanka qaranka, isaga oo xusay in aqoontu tahay saldhigga horumarka.
Xamsa oo la hadlay masuuliyiinta waxbarashada iyo Ardayda ayaa yiri “Diinteennu waxa ay qiimo wayn u yeeshay Cilmiga iyo barashadiisa. Fariintan waxay ina tusaysaa in Aqoontu tahay saldhigga Horumarka iyo kobaca aadanaha”.
Imtixaanka Fasalka 12-aad ayaa socon doona muddo 6 maalmood ah, waxaana la qorsheeyay inuu soo gabagaboobo 25-ka Juun, iyadoo Wasaaradda Waxbarashada ay markaasi kadib shaacin doonto natiijada rasmiga ah ee imtixaanka.
HBN ONLINE TV

