Golaha Wasiirrada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa si kulul u cambaareeyay booqashadii uu madaxweynaha Somaliland ku tagay Israa’il,oo sida golahu sheegay ah dhul Falastiin leedahay oo ay xoog ku maamusho, iyagoo tilmaamay in tallaabadaasi ay ka hor imanayso dalka, sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da ixtiraamka madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha.

War-saxaafadeed ka soo baxay shirkii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada ayaa lagu sheegay in booqashadu aysan waafaqsanayn sida hadalka loo dhigay siyaasadda arrimaha dibadda ee DFS iyo qaab-dhismeedka sharci ee nidaamiya xiriirrada caalamiga ah.

Golaha ayaa carrabka ku adkeeyay in dhammaan xiriirrada dibadda iyo hawlaha diblomaasiyadeed ay yihiin mas’uuliyadda gaarka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Wasiirradu waxa kale oo ay sheegeen in tallaabooyinka noocan oo kale ahi ay wiiqayaan mowqifka mideysan ee Soomaaliya ee arrimaha caalamiga ah, isla markaana ay jebinayaan xeerarka iyo mabaadi’da caalamiga ah ee ku saleysan ixtiraamka madaxbannaanida dowladaha iyo faragelin la’aanta arrimahooda gudaha.

Sidoo kale, shirka golaha ayaa lagu boggaadiyey Ciidamada Amniga Caasimadda Muqdisho, kadib markii ay tilmaameen inay ka hortageen falal amni-darro ah oo la doonayay in lagu carqaladeeyo nabadgelyada iyo horumarka ka jira dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed