Golaha Wakiillada maamulka Puntland ayaa maanta meel mariyey qaraar awood u siinaya la xisaabtanka xukuumadda, ka doodista siyaasadda Federaalka Soomaaliya, heshiisyada maalgashiga iyo arrimaha garsoorka.
Ajandaha ayaa Golaha awood u siinaya inuu u yeero cid kasta oo uu u arko sida la sheegay inay lagama maarmaan tahay si wax looga weydiiyo waajibaadka loo igmaday, isla markaana uu ugala xisaabtamo howlaha ay hayaan hay’adaha maamulka Puntland.
Qodobada ugu muhiimsan ee ajandaha waxaa ka mid ah ka doodista adkaynta midnimada, wadajirka iyo xudduudaha Puntland, iyo xaaladaha ka soo cusboonaaday gobolka iyo arrimaha Qudus, kuwaas oo ku soo aadaya xilli ay taagan yihiin dooddo siyaasadeed oo ku saabsan xiriirka Somaliland iyo Israa’iil.
Sidoo kale, Golaha Wakiillada ayaa sheegay inay ka doodi doonan xisaab-xirka sannad-maaliyadeedka 2025, xeerarka ay xukuumaddu soo gudbiso ama uu Goluhu curiyo, iyo heshiisyada maalgashi ee ay Puntland gashay, kuwaas oo la filayo inay qayb ka noqdaan sida hadalka loo dhigay doodaha ugu waaweyn ee kalfadhigan 58-aad.
HBN ONLINE TV

