Jubbaland oo dusha kaga tuurtay DFS masuuliyada xirnaanshaha Garoonka Doolow ee gobolka Gedo

Maamulka Jubbaland ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay arrimo siyaasadeed u xirtay sida ay hadalka u dhigtay Garoonka Diyaaradaha Doolow, isagoo sheegay in xirnaanshaha muddada dheer socday uu saameyn ku yeeshay adeegyada caafimaadka, ganacsiga, isu-socodka shacabka iyo howlaha gargaarka bani’aadannimo ee gobolka Gedo.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jubbaland ayaa lagu sheegay in Garoonka Doolow uu xirnaa tan iyo 19-kii Luulyo 2025, isla markaana dadaallo badan oo lagu doonayay dib-u-furistiisa aysan miro dhalin.

Jubbaland waxay sheegtay in Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ay u sheegtay inaysan awood u lahayn inay si madax-bannaan go’aan uga gaarto furitaanka garoonka, iyadoo maamulka Jubbaland uu ku dooday in xirnaanshuhu aanu salka ku hayn arrimo farsamo, amni ama badqabka duulimaadyada.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay maamulka hawada Soomaaliya u adeegsanayso dano siyaasadeed, arrintaas oo Jubaland ay sheegtay inay ka hor imanayso xeerarka duulista rayidka iyo heerarka caalamiga ah ee maamulka hawada.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa bishii Abril ee sanadkan sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan masuul ka ahayn xirnaanshaha garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow ee gobolka Gedo. Raysal wasaaruhu wuxuu eedda xirnaanshaha dusha ka saaray maamulka Jubbaland, isagoo sheegay in wixii dhibaato ah ee ka yimaada xirnaanshaha garoonkaas la weydiinayo madaxweyne Axmed Madoobe.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed