Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo ka hadlay wararka sheegaya in ay Israa’iil siinayaan saldhig military

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa maanta sheegay in aysan jirin wax ciidan Israa’iili ah oo ku sugan Somaliland, isaga oo beeniyay wararka sheegaya in Israa’iil ay doonayso inay saldhig ciidan ka sameysato dhulka deegaanadooda.

Isagoo la hadlayay warbaahinta intii uu ka qeybgalayay shir ganacsi oo ka dhacay magaalada Talaabiib, Maxamed wuxuu sheegay in Israa’iil ay tababar siiso ciidamada milatariga iyo booliiska Somaliland, balse wuxuu ku tilmaamay “warar aan sal lahayn” sheegashada ah in Israa’iil ay wada-hadallo ka waddo dhismaha saldhig ciidan oo ay ku yeelato Somaliland.

Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in aysan jirin wax ciidamo Israa’iili ah oo ku sugan Somaliland.

Hadalladiisa ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan mala-awaallada ku saabsan iskaashiga amniga ee u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland, kadib markii Talaabiib ay bishii Diseembar u aqoonsatay Somaliland sidii dal madax-bannaan.

HBN ONILNE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed