khasaare dhimasho iyo dhaawaca ku dhawaad 10 ruux oo ka dhashay shil ka dhacy duleedka Muqdisho

Inta la xariiqayey 4 ruux ayaa geeriyootay, 5 kalena waa ku dhaawacmeen, kadib shil gaari oo maanta ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Balcad, gaar ahaan deegaanka Darmooley oo dhaca duleedka Caasimadda.

Sida ay goobjoogeyaal xaqiijiyeen, shilka ayaa dhacay kadib markii ay isku dhaceen gaari nuuca raaxada ah ee loo yaqaan Saaruf iyo mooto Bajaaj oo maraysay waddada.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in 4 qof ay goobta ku dhinteen, halka 5 kale oo dhaawacyo kala duwan soo gaaray loo soo qaaday goobaha caafimaadka magaalada Muqdisho si loogu dabiibo.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka ama maamulka gobolka oo ku saabsan sababta rasmiga ah ee keentay shilkaasi.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa isa soo tarayay shilalka gaadiidka ee ka dhaca waddada isku xirta Muqdisho iyo Balcad, taas oo dhawaan dib-u-dhis iyo dayactir lagu sameeyay, iyadoo shacabka ay walaac ka muujinayaan badqabka isticmaalayaasha waddadaasi.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed