Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga hortimid hadal ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS oo lagu sheegay in tallaabooyin laga qaadi doono Somaliland, kadib xiriirro diblomaasiyadeed iyo iskaashi ay la yeelatay Israa’iil.
War saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda arimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in aan la aqbalayn wax lagu tilmaamay faragelin kaga imanaysa Muqdisho, iyadoo lagu adkaystay in Somaliland leedahay sida hadalka loo dhigay xaq ay ku maamusho siyaasaddeeda arrimaha dibadda iyo xiriirrada caalamiga ah.
Somaliland waxay sheegtay in booqashadii dhawaan uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ku tagay meelo kala duwan oo ay Israa’iil ka mid tahay ay muujinayso koboca xiriirrada diblomaasiyadeed ee Somaliland iyo kalsoonida sii kordhaysa sida ay ku dooday ee ay ka hesho beesha caalamka.
Bayaanka ayaa lagu eedeeyay DFS inay isku dayayso inay qalloociso waxay ugu yeereen “xaqiiqooyinka taariikhiga ah, isla markaana ay caqabad ku noqoto rabitaanka shacabka Somaliland”.
Sidoo kale, Somaliland ayaa ku adkeysatay in
aysan cidna uga baahnayn oggolaansho ku saabsan heshiisyada ama iskaashiyada ay la yeelanayso dhinacyada kale, isla markaana ay difaaci doonto sida hadalka ay u dhigtay madaxbannaanideeda, karaamadeeda iyo amnigeeda.
Ugu dambayn, Somaliland waxay sheegtay inay weli ka go’an tahay nabadda, xasilloonida iyo wada noolaanshaha gobolka, balse aysan aqbali doonin sida ay carrabaabtay “wax kasta” oo lagu wiiqayo madaxbannaanideeda iyo danaha shacabka Somaliland.
HBN ONLINE TV

