Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa sheegtay inay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka sharci oo ay ku difaacayso madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo midnimada dalka, kadib markii ay si adag uga falcelisay booqashada Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu ku tegay magaalada Qudus,uuna halkaasi kaga furay safaaradii ugu horeysay oo ay leeyihiin.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay walaac weyn ka qabto xiriirka ay Israa’iil sheegtay inay la yeelatay maamulka Somaliland, iyadoo aan loo marin Dowladda Federaalka.
Sidoo kal, Wasaaraddu waxay ku caddeysay bayaankeeda in DFS ay tahay hay’adda keliya ee sharci ahaan u metesha dalka ee dhinaca xiriirrada caalamiga ah, isla markaana xiriir kasta oo lala yeesho maamul ka baxsan dowladda dhexe uu yahay mid ka hor imanaya madax-bannaanida, dastuurka iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay xejisanaysaa xaqeeda madax-bannaan ee ay ku qaadi karto dhammaan tallaabooyinka sharciyeysan ee lagama maarmaanka ah, iyadoo adeegsanaysa waddooyinka diblomaasiyadeed, kuwa sharci iyo habab kale oo ku habboon, si ay u difaacdo madax-bannaanideeda, wadajirka dhulkeeda iyo midnimada qarankeeda” ayaa lagu yiri wark DFS.
Dhanka kale, DFS oo sheegtay in weli ka go’an tahay wadahadal nabadeed, xasilloonida gobolka iyo iskaashi wax-ku-ool ah oo ay la yeelato dhammaan saaxiibbadeeda ayaa carrabaabtay in aanay aqbali doonin “tallaabo kasta oo xadgudub ku ah madax-bannaanideeda ama halis gelinaysa midnimada shacabka Soomaaliyeed”.
Soomaaliya ayaa ugu baaqday beesha caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo IGAD, inay ixtiraamaan madaxbannaanida iyo midnimada dalka, isla markaana ay cambaareeyaan tallaabo kasta oo wiiqaysa xasilloonida iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

