Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wasiirka arimaha dibadda Israa’iil ayaa maanta kulan ku yeeshay wasaaradda arimaha dibadda ee Israa’iil, halkaas oo ay isku arkeen xubno uu hugaaminayo wasiirka arimaha dibadda ee Israa’iil, Gideon Sa’ar iyo xubno ka tirsan wafdiga Somaliland oo hugaaminayo madaxweyne Cirro.
Intii uu socday kulankaan oo ay hadalo ka jeediyeen labada dhinac ayaa wasiirka arimaha dibadda ee Israa’iil waxa uu sheegay in kulan qarsoodi ay bishii October ee sanadkii 2025 ku yeesheen isla qolka maanta shirku ka dhacayay.
Wasiirka arimaha dibadda Israa’iil ayaa hadal jeedin uu ku furay bilwoga kulanka ku xusay in kulankani yahay kii 2-aad oo ay si waji ka waji ah ugu yeeshaan isla goobtaan.
“Kani waa kulkeenii 2-aad ee ka dhaca qolkaan. Waxaan ku kulanay halkaan si qarsoodi ah bishii October ee sanadkii la soo dhaafay, laakiin saxaafadu ma aysan ogayn xilligaas,” ayuu yiri wasiirka arimaha dibadda ee Israa’iil Gideon Sa’ar .
Dhanka Somaliland, madaxweyne Cirro oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa ku raacay warka wasiirka arimaha dibadda ee Israa’iil ee ah in kulan ay yeesheen labada dhinac bishii October.
“Waxaan ku faraxsanahay, in aan qolkaan imaado markii 2-aad, sida uu wasiirku sheegay, inkastoo markii koobaad oo ahayd waqti ka mid ah bishii October ee sanadkii la soo dhaafay aysan saxaafadu nala joogin,” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro. “Maanta waxaan shaaca ka qaadanay kulanka labaad oo halkaanka dhacaya,” ayuu yiri markale madaxweyne Ciro.
Kulankaas ayaa ah mid aan la shaacin oo Somliland iyo Israa’iil uusan midkood ka hadlin.
Booqashada Cirro uu ku tagay Israa’iil ayaa ka dambeysay ka dib markii bishii December ee sanadkii 2025, Ra’isalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ku dhowaaqay in Israa’iil aqoonsatay Somaliland, tillabaadasi oo ay si adag uga hortimid dawlada Soomaaliya kuna tilmaamtay xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida & qarannimada Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa go’aanka Netanyahu si ba’an u cambaareeyay ururo & dalal kala duwan kuwaasi oo qaarkood si cad uga digay tilaabooyinka Israa’iil ee ka dhanka ah midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa arrinta Somaliland iyo aqoonsiga ay Israa’iil siisay ku tilmaamay mid aan ahayn aqoonsi dhab ah balse uu yahay sida uu yiri “dabin” ay ku dhacayso Somaliland. Wuxuu sheegay in tallaabadaasi aysan waxba ka beddelayn mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan midnimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliya, isla markaana beesha caalamka inteeda badan ay weli Somaliland u aqoonsan tahay qayb ka mid ah Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

