Puntalnd oo markale ku dhawaaqday ineey u dhaqmayso sida doowlad “madaxbanaan”

Maamulka Puntland ayaa markale ku dhawaaqay maanta in uu u dhaqmayo si madax banana oo awoodiisa u gaar ah, isla markaana diyaar u yahay inuu galo heshiisyo caalami ah oo la xiriira kheyraadka iyo maalgashiga deegaanadiisa.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, oo maanta furay kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo ka dhacay magaalada Garoowe, ayaa sheegay in maamulka Puntland uu sii wadi doono qaadashada go’aanno u muuqda kuwo si madax-bannaan loo fulinayo, iyada oo aan dowladda Soomaaliya wax door ah ku lahayn, isagoo sidoo kale soo dhoweeyay dhinacyada iyo dowlad kasta sida uuu hadalka u dhigay oo doonaysa heshiisyo maalgashi.

Deni wuxuu sheegay in Puntland ay weli ka go’an tahay ka mid ahaanshaha nidaamka Federaalka Soomaaliya, hase yeeshee ay xaq u leedahay sida uu ku dooday in ay maamusho kheyraadkeeda inta laga gaarayo heshiis buuxa oo qaran oo la isku raacsan yahay.

Wuxuu tilmaamay in dastuurka Puntland iyo kan ku meelgaarka ah ee Federaalka Soomaaliya ay siinayaan maamuulka xaqa uu u leedahay sida uu carrabaabay ka faa’iidaysiga kheyraadka iyo gelitaanka heshiisyo caalami ah.

“Puntland weli kama quusan ka mid ahaanshaha dowlad midnimo Soomaaliyeed oo Federaal ah, laakiin inta laga helaayo dhisme dowlad heshiis lagu yahay sida uu qodobka 4-aad iyo qodobka 54-aad ee Dastuurka Puntland iyo qodobka 44-aad iyo qodobka 142-aad ee dastuurka ku meelgaarka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliyeed, Puntland waxay xaq u leedahay in ay si madaxbanaan uga faa’iideysato qayraadkeeda ayna gali karto heshiisyo Caalami ah,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Puntland ay si furan u soo dhoweynayso maalgashi ka yimaada ganacsato Soomaaliyeed, shirkado ajnabi ah iyo dowlad walba oo danaynaysa inay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee ka jira dhulka Puntland.

“Puntland waxay soo dhaweynaysaa cidkasta oo rabta in ay maalgashato qayraadka ku jira dhulkeeda [Puntland], haddii ay tahay ganacsato Soomaaliyeed, kuwo Ajnabi ah iyo dolwadaha danaynaya inay Puntland maalgashadaan” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay marar badan soo baxayeen doodaha ku saabsan xiriirka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha la xiriira maamulka kheyraadka iyo heshiisyada caalamiga ah. Dowladda ayaa ku doodaysa in sharciga heshiis hay’addo ama dowlado shisheeye oo dibadda ah uu ka reeban yahay dhamaan maamullada dalka, ayna waajib tahay in wax walba iyo cilaadkasta oo heshiis ay yihiin kuwo uu dhaca hab wadar ogol ah.

HBN ONILNE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed