Jabhadda ONLF ayaa cambaareysay tallaabo ay sheegtay in maamulka Puntland ugu gacan geliyeen in ka badan 60 dhallinyaro Soomaaliyeed maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDS), iyadoo arrintan ku tilmaantay mid walaac weyn dhalisay.
Bayaan ay ONLF soo saartay maanta ayay ku sheegtay in dadka la xiray ay ahaayeen shaqaale rayid ah oo ka shaqeynayay goobaha macdanta laga qodo ee deegaanka Milxo, oo ka tirsan gobolka Sanaag. Dhallinyaradan ayaa markii hore si ku-meel-gaar ah loogu hayay xarun lagu xiray sida Jabhaddu ku dooday oo ku taalla magaalada dekedda ah ee Boosaaso, ka hor inta aan lagu wareejin maamulka deegaanka Soomaalida.
“62 dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Dowlad Deegaanka Soomaalida (Ogaden) ayaa lagu xiray magaalada Boosaaso ee Puntland, Soomaaliya, kadibna muddo kooban gudaheed loogu gacan geliyay Itoobiya. Ma jirin wax dacwad sharci ah oo si cad loo shaaciyay, wax hufnaan ah lagama muujin habraaca loo maray, waxaana jiray warar is khilaafsan oo ay bixiyeen mas’uuliyiinta” ayaa lagu yiri warka ONLF.
Warka ka soo baxay Jabhadda ayaa la sii raaciyey “Dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqo raadiska u baxa waa inaysan noqon dhibbanayaal ay ku dhacaan xisaabaad siyaasadeed ama tacaddiyo ka dhan ah xuquuqdooda oo ka gudba xuduudaha. ONLF waxay si adag u cambaaraynaysaa dhammaan cid kasta oo ku lug lahayd falkan foosha xun”.
Iyadoo maamulka Puntland uusan weli soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan arrintan, haddana warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya howl-galladii iyo qabqabashadii dhowaan ka dhacay gobollada Sanaag iyo Bari.
Dhanka kale, Wasiirka Madaxtooyada Dowlad Deegaanka Soomaalida, Xuseen Xaashi Qaasim, ayaa in dhallinyaradan oo laga soo badbaadiyey sisda uu hadalka u dhigay xaalad halis ah, isaga oo uga mahadceliyey maamulka Puntland wada-shaqeynta ay ka muujiyeen arrintan, inkasta oo la soo tabiyey in si dadban u sheegay in dhallinyaradaasi loo tahriibinayay si loogu biiriyo safafka Jabhadda ONLF.
HBN ONLINE TV

