Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka oo meel qaraar gaaray, isaga oo ku eedeeyey madaxweyne Xasan Sheekh in Dowladda uu hoggaamiyo awood ciidan iyo caburin u adeegsatay sida uu hadalka u dhigay siyaasiyiinta ka aragti duwan.
Shariif oo goor sii horeysay oo caawa ah warabaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in weerar lagu qaaday xilli ay xisbigiisu qorsheynayey furitaanka xarun cusub oo ku taalla degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay in iska horimaad dhex maray ciidamo ilaalo u ahaa isaga iyo ciidamada Dowladda uu dhacay uuna sababy khasaaare.
Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay dhacdadaas mid halis ah, kadib markii carrababay in ujeeddada weerarkaasi ay ahayd sida uu ku dooday in lagu waxyeelleeyo ama lagu dilo madaxda mucaaradka, maadaama sida uu ku dooday aanay dulqaad u hayn ka aragti duwanaanta xubnaha ka soo horjeeda.
“Dagaalkaasi wuxuu ahaa dagaal ujeeddadiisu tahay in dad lagu dilo. Xogta aan helnay iyo baaritaannada aan sameynay waxay muujinayaan in dowladda qorsheysay inay disho madax siyaasiyiin ah oo ka soo horjeeda, maadaama aysan u dulqaadan karin aragtiyada ka duwan tan dowladda, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka. Taasi waa arrin aad u fool xun,” ayuu yiri Shariif Sheekh.
Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyey dowladda inay ciidamo ka soo qaaday furimaha hore ee dagaalka ee lagula jiro Alshabaab, islamarkaana loo adeegsaday arrimo uu ku sheegay kuwa siyaasadeed iyo sugidda doorashooyin uu ku sheegay boob. Wuxuu sheegay in ciidamada laga soo raray deegaannada dagaalladu ka socdaan, islamarkaana loo diray gobollo kala duwan oo uu ku eedeeyey dowladda inay doonayso inay saameyn ku yeelato hanaanka doorashooyinka.
“Ciidamadii dowladda meel kasta oo ay joogeen waa laga soo kaxeeyey. Dagaalladii Alshabaab lagula jiray waa la hakiyey, waxaana ciidamada loo kala diray gobollada la doonayo in doorashada lagu maamulo. Waxaa tusaale u ah Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle, halkaas oo ciidamada furimaha laga soo qaaday,” ayuu sheegay.
Dhanka kale Shariif ayaa ku dooday in ciidamada ku sugan caasimadda Muqdisho ay cadaadis ku hayaan siyaasiyiinta mucaaradka ah, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid muujinaysa in dowladda hadda jirta aysan weli u bislaan maaraynta khilaafaadka siyaasadeed iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.
“Caasimadda ciidamada ku sugan oo habeen iyo maalin culeyska ku haaya siyaasiyiinta ka aragti duwan Madaxweynaha, waxayna na tusinaysaa in Dowladda Soomaalida ee maanta jirta in aysan u bislayn inay dalka dhaafiso marxaladda adag ee maanta lagu jiro” ayuu yiri markale.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin eedeymaha uu soo jeediyey Shariif Sheekh Axmed, balse hadalkiisa ayaa imaanaya maalin kadib markii madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in qaar ka mid ah mucaaradka ay isku dayayeen inay awoodda dalka kula wareegaan qori caaradii ah, sida ay hadalka u dhigtay, kadib markii ay ku eedeysay inay adeegsadeen hab ka baxsan nidaamka dimuqraadiyadda.
HBN ONLINE TV

