Kulan maanta magaalada Baydhabo ku dhexmaray Hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo masuuliyiinta hay’addaha ammaanka maamulka ayaa looga hadlay amniga guud ee magaalada iyo xoojinta nabadgelyada guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed, iyada o awaamiir adag laga soo saaray dhaqdhaqaaq ciidanka.
Shirka waxaa xubnah ku jiray ka qeyb ahaa Wasiirka Amniga iyo saraakiisha ciidamada, kuwaas oo warbixin ka bixiyey xaaladda amni iyo qorshayaasha lagu sugayo xasilloonida, waxaana go’aamada lagu soo saaray ka mid ah in askari aan xiranayn dareeska ciidamada uusan qori ku dhex wadan karin magaalada Baydhabo, halka baabuurta dagaalka laga mamnuucay inay ku dhex socdaan magaalada haddii aysan ku jirin howlgal rasmi ah.
Sidoo kale, Maamulka ayaa ku dhawaaqay in la bilaabi doono howlgallo qorsheysan oo lagu furayo waddooyinka degmooyinka Koonfur Galbeed, si loo xoojiyo sida la tilmaamay isku socodka iyo amniga shacabka. Tallaabadan ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay dadaallada lagu dardargelinayo sugidda amniga deegaannada maamulka.
“Shirka ayaa lagu soo saaray go’aano la xiriira Amniga oo ay kamid yihiin in Askari aan wadanin Dareeska Ciidamada aan qori ku dhexwadan karin Gudaha Magaalada, in Baabuurta Dagaalka aan ku dhex socon Gudaha Magaalada hadaysan ku jirin Howlgal iyo in la bilaabi doono Howlgalo Qorshaysan oo lagu Furaayo Wadooyinka Degmooyinka Koonfur Galbeed” ayaa lagu yiri warka madaxtooyada Koonfur Galbeed.
Hoggaamiye Aadan Madoobe ayaa ku adkeeyey wada-shaqeynta hay’adaha amniga, isaga oo faray laamaha amniga inay adkeeyaan dadaallada lagu ilaalinayo nabadgelyada.
HBN ONLINE TV

