Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Mucaaradka, dagaalkii Muqdisho iyo Aqoonsiga Somaliland

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wareysi dheer oo uu bixiyey kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo sheegay in dowladda federaalka ay doonayso in Soomaaliya u gudubto nidaam dimuqraadi ah oo ku dhisan codka shacabka iyo xisbiyo siyaasadeed oo sharciyeysan, inkastoo ay jiraan caqabado siyaasadeed.

Xasan Sheekh oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Dawan ayaa sheegay in khilaafka ugu weyn ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka aanu ahayn mid shaqsiyeed, balse uu salka ku hayo jihada siyaasadeed ee dalka. Sida uu sheegay, mucaaradku waxay rabaan in dalka uu ku sii jiro sida uu hadalka u dhigay nidaamkii hore ee doorashooyinka dadban, halka dowladda ay ku adkaysanayso doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweynaha ayaa ku dooday in siyaasadda Soomaaliya looga baahan yahay in laga wareego nidaam ku dhisan shaqsiyaad—loona gudbo hannaan ay hoggaaminayaan xisbiyo siyaasadeed oo rasmi ah, kuwaas oo muhiim u ah kobcinta dimuqraadiyadda, isla xisaabtanka iyo tartanka siyaasadeed ee furan.

Inkasta oo uu ku dheeraaday arintan, hadane Waxa uu sheegay in marar badan uu mucaaradka ka codsaday inay soo bandhigaan aragti kale oo lagu beddeli karo qorshaha dowladda, balse sida uu tilmaamay aysan weli keenin qorshe cad. Dowladda ayuu carrababay inay diyaar u tahay dood kasta oo sharci iyo siyaasad ku saleysan oo ku saabsan doorashooyinka iyo dastuurka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa si cad u diiday baaqyada ku saabsan in dib loogu laabto Dastuurkii Ku-meelgaarka ahaa ee 2012, isagoo sheegay in dastuurkaasi yahay taariikh laga soo gudbay oo keyd qaran ah.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladda hadda jirta aysan sameyn dastuur cusub, balse ay fulisay dib-u-eegistii dastuurka ee lagu waajibiyay hay’adaha Dowladda, halka uu sheegay in baarlamaannadii hore dhowr jeer dib u dhigeen dhameystirka dib-u-eegista dastuurka, balse dowladda hadda jirta aysan doonayn in mar kale dib loo dhigo hawshaas.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in qof kasta oo qaba cabasho ama aragti ka duwan tan dowladda uu soo bandhigi karo qodobada uu diiddan yahay iyo sababaha sharci iyo maslaxadeed ee uu ku saleynayo.

Arrinta Somaliland iyo aqoonsiga ay Israa’iil siisay ayuu madaxweynuhu ku tilmaamay mid aan ahayn aqoonsi dhab ah balse uu yahay “dabin” ay ku dhacayso Somaliland. Wuxuu sheegay in tallaabadaasi aysan waxba ka beddelayn mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan midnimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliya, isla markaana beesha caalamka inteeda badan ay weli Somaliland u aqoonsan tahay qayb ka mid ah Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Israa’iil ay marar hore codsatay xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah, balse Soomaaliya aysan aqbalin codsiyadaas, isaga oo ku adkeystay in mowqifka Soomaaliya uu ku saleysan yahay arrimo bani’aadannimo iyo taageerada shacabka Falastiin, halka uu ku dooday in arrinta Somaliland lagu xallin karo oo keliya wada-hadal Soomaaliyeed iyo ilaalinta madax-bannaanida dalka.

 

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed