Toddobaad kadib markii Muqdisho uu ka dhacay dagaal maalmo socday oo u dhexeeyay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo xubno daacad u ahaa qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa waxaa arrintan markii ugu horreysay ka jawaabtay Madaxtooyada Soomaaliya.
Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Xadaana, oo la hadlay warbaahinta BBC-da, ayaa sheegay in qaar ka mid ah mucaaradka ay isku dayayeen inay awoodda dalka kula wareegaan qori caaradii ah, sida uu hadalka u dhigay, kadib markii uu ku eedeeyay inay adeegsadeen hab ka baxsan nidaamka dimuqraadiyadda. Wuxuu sheegay in tallaabooyinka dowladda ee la xiriira hub ka dhigista ay yihiin kuwo lagu fulinayo sida uu ku dooday sharciga iyo xeerar hore loo dejiyay.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in iyada oo dhaqan gelinaysa xeerka hub ka dhigista Soomaaliya ay bilowday qorshe hubka looga ururinayo gacmaha dadka aan u shaqayn dowladda ama aan fasax u haysan.
“Xeer baa la sameeyay, xeerkaas waxaa loogu talogalay in dhammaan hubka waaweyn aan lagu dhex wadan magaalada caasimadda ah iyo meelaha kaleba. Nin kasta oo madax ahi waa inuu kontaroolaa hubka uu la marayo, isla markaana uu noqdaa hub aad u fudud,” ayuu yiri Xadaana.
Sidoo kale, Wuxuu ayaa carrabka ku adkeeyay in DFS ay soo dhoweynayso dadaallada dhexdhexaadin ah oo uu tilmaamay inay wado Turkigu, si loo xalliyo khilaafka u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.
“Madaxweynuhu ma diidana dhexdhexaadinta, haddii Turkigu haatan uu imaanayo oo iyagu dhexdhexaadin ka dhex wadaan [mucaaradka]. Madaxweynuhu kolleyba wuu soo dhoweynayaa,” ayuu sii raaciyay.
Dhanka kale, Shalay waxaa xubno ka tirsan mucaaradka ay shaaciyeen in dowladda Turkigu ay dhexdhexaadin ka dhex waddo khilaafka ka dhex taagan iyaga iyo dowladda Soomaaliya, kaasi oo mararka qaar gaaray heer gacan ka hadal ah. Waxay ka war bixiyeen kulamo ay la qaateen saraakiil ka socotay Turkiga iyo xubno ka mid ah beesha caalamka oo si gooni gooni ah ula kulmay, kuwaas oo la xiriiray gacan ka hadalkii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho iyo tallaabooyinka ay dowladda Soomaaliya hub ka dhigista ugu sameynayso siyaasiyiinta qaar.
“Sideedaba hubka qaadista ama hub ka dhigistu waa nidaam siyaasadeed. Ma aha arrin amni,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la hadlayay warbaahinta kadib kulamo ay la yeesheen saraakiisha Turkiga.
Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay howlgallo ka waday meelo ay ka mid tahay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, kadib markii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu ka guuray gurigii uu dhawaan ka degay degmadaas.
Kadib iska horimaad dhex maray ciidamada ilaalada u ah Shariif Sheekh Axmed iyo ciidamada ammaanka, ayaa waxaa xigay wada-hadallo dhex maray labada dhinac, kuwaas oo ugu dambeyntii keenay in uu ku laabto guri uu hore uga deganaa.
Sida ka muuqata sawirrada lagu daabacay baraha bulshada, hubka ayaa waxaa ka mid ahaa qoryaha AK-47, BKM iyo diyaaradaha daroonnada, kuwaas oo aan la caddeyn in hub ahaan loo isticmaalo iyo in kale, hase yeeshee, Booliska gaarka ah ee Muqdisho sida uu sheegay hubka lagu soo bixiyay Hotel Elite ayaa isugu jiray diyaarado daroonno ah, qoryaha shiishka, BKM, jabshayaal iyo AK-47.
Waxaa ka sii horreysay in Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre ay sidaan oo kale boolisku ugu soo bandhigeen hub ay sheegeen inuu “sharci darro ahaa” ayna wateen ciidamada daacadda u ahaa, xilli uu deganaa guri ku yaalla degmada Howlwadaag, inkasta oo markii dambe isfaham laga gaaray dagaalkaas.
Iska horimaadyada iyo howlgallada ayaa imaanaya iyadoo uu muran ka taagan yahay doorashooyinka Soomaaliya iyo muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Xubnaha mucaaradka ayaa sheegay in fadhiyadii ay la qaateen wafdiga Turkiga ay meel wanaagsan marayaan, isla markaana ilaa iyo haatan la isla gartay ajandayaasha laga wada doodayo.
HBN ONLINE TV

