Maxay tahay sababta loo xiray qeyb ka mid ah Suuqa ugu weyn Muqdisho?

Qeybo kamid ah Suuqa Weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa maanta xiran, kadib markii ganacsatada ay sheegeen in lagu soo rogay canshuuro dheeraad ah oo sababay in qaar kamid ah goobahooda ay albaabada isugu laabaan.

Ganacsatada ayaa ka cabanaya shuruudo cusub oo ay sheegeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku soo rogtay, taas oo keentay in xaalad jahawareer ah ay ka dhalato gudaha suuqa oo ah mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn dalka, ahn kan ugu weyn Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in xirnaanshaha qaybaha suuqa uu yimid kadib markii ay korortay xiisadda ka dhalatay canshuuraha, iyadoo goobaha ganacsiga ay si tartiib tartiib ah u xirmayaan.

Ilaa hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan cabashada ganacsatada iyo xaaladda ka taagan suuqa Bakaaraha.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed