DFS oo qabashada banaanbaxa mucaaradka hordhigtay shuruudo ad adag

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay aqbashay qabashada banaanbaxa ay mucaaradku u iclaamiyeen maalinnimada berri ah in Muqdisho lagu qabto ayaa shaacisay inay heshay xog ku saabsan qorshayaal la xiriira qalqal gelinta amniga caasimadda, iyada oo digniin adag ka bixisay falal ay ku tilmaantay amni darro iyo fowdo lagu abuuri karo magaalada.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag oo shir jaraa’id wadajir ula qabtay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in dowladda ay ka warqabto abaabulo la xiriira falal lagu boobayo hantida ganacsatada iyo isku dayo lagu hurinayo qalalaase. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda ay heshay xog muujinaysa in maleeshiyaad hub loo qeybiyay si ay uga hor yimaadaan ciidamada ammaanka.

“Waxaan ka warhaynaa in maleeshiyaad hub loo qaybiyey si ay uga hor yimaadaan ciddamada ammaanka sugayo, kadibna dhib loogu geysto shacabka iyo amniga guud ee dalka. Dowladda Soomaaliya ma aqbalayso in la carqaladeeyo amniga iyo xasiloonida caasimadda,” ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab ayaa sheegay in dowladda ay fasaxday qabashada banaanbaxa, balse ay shuruud adag ka dhigtay in lagu qabto garoonka Injineer Yariisow (Ex Koonis), halkaas oo dowladda ay sheegtay inay sugi doonto amniga. Wuxuu xusay inaan la oggolaan doonin wax fowdo ah ama falal amniga lid ku ah inta uu socdo banaanbaxa.

Go’aankan ayaa yimid iyadoo magaalada Muqdisho laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ay wadaan xubnaha mucaaradka ah, kuwaas oo ka biyo diiddan go’aamada dowladda ay dad badan kaga saartay guryo danguud ah gudaha magaalada Muqdisho.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed