Mucaaradka oo shaaciyey meelaha ay ku qaban doonaan bananbaxa Muqdisho & intuu socon doono

Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa shaaciyey maanta sida uu u dhici doono banaanbaxyo ballaaran oo ay sheegeen in lagu qabanayo dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir laga bilaabo berri subax oo looga soo horjeedo dowladda.

Mucaaradka ayaa sheegay in banaanbaxyadu socon doonaan muddo 5 maalmood ah, laguna qaban doono goobihii dadka laga saaray, islamarkaana lagu difaacayo sida ay hadalka u dhigeen dadkii laga barakiciyay guryahoodii Muqdisho. Waxay ku doodeen in ka badan 300 kun oo qof laga saaray deegaannadii ay deganaayeen, iyaga oo shacabka ugu baaqay inay isugu soo baxaan goobihii laga raray si ay uga qeyb qaataan dibadbaxyada.

Xildhibaan Abdirahman Abdishakur Warsame ayaa sheegay in banaanbaxu yahay mid dastuuri ah, isagoo shacabka u soo jeediyey inaysan ka baaqan ka qeybgalka dibadbaxa. Wuxuu sheegay in qof kasta uu tago goobtii laga barakiciyay, islamarkaana banaanbaxyadu ay si rasmi ah u bilaaban doonaan subaxnimada hore ee berri, oo ku aadan 10-ka bishaan May,

Sidoo kale, Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sheegay in dowladdu dhagaha ka xiratay soo jeedimo ay u direen mucaaradka, isla markaana ay waddo qorshihii dhulalka dadka looga saarayey.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ayaa digniin u diray ciidamada dowladda, isagoo uga digay inay beegsadaan dadka dhigaya banaanbaxyada. Kheyre ayaa sheegay in mudaharaadyadu ka dhici doonaan dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir, isagoo ciidamada ugu baaqay inay ka fogaadaan tallaabooyin ka dhan ah shacabka mudaharaadaya.

Isla maalintan berri ee ay mucaaradka u iclaamiyeen banaanbaxa, ayaa Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud u asteeyey in wadahadal ay isku arkaan isaga iyo mucaaradka, si looga wada-hadlo xaaladda sii cakirmeysa ee siyaasadda, isla markaana weli la isku fahmi la’yahay hannaanka doorasho iyo wax ka beddelka dastuurka.

Hay’adaha ammaanka gobolka Banaadir oo kulan yeeshay xalay ku yeeshay Muqdisho ayaa shacabka faray in aan loo hoggaansamin ficillada iyo hadallada ay jeedinayaan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ah in banaanbax lagu qabto gobolka.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed