Muxuu yahay khilaafka cusub ee soo kala dhexgalay DFS & Galmudug?

Khilaaf cusub ayaa ka soo dhex muuqday maanta Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS iyo maamulka Galmudug, kadib markii labada dhinac ay laba sarkaal oo kala duwan u magacaabeen xilka Taliyaha Booliska Galmudug.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa Gaashaanle Sare Maxamed Daahir Cabdulle u magacaabay Taliyaha Qeybta Booliska Galmudug, kadib markii xilka laga qaaday Gaashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maalin oo xilkaasi hayey.

Saacado yar kadib, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa isna soo saaray wareegto uu dib ugu magacaabay Khaliif Cabdulle Maalin Taliyaha Booliska Galmudug, taasoo si toos ah uga hor imaaneysa go’aankii DFS.

Arrintan ayaa loo arkaa sida ay dadka arimaha siyaasadda falanqeeya sheegeen calaamad muujineysa khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Galmudug, kaas oo la xiriira arrimaha wax ka beddelka dastuurka iyo doorashooyinka—waxaana qaabka uu khilaafkan u billowday lagu tilmaamayaa mid u eg kii hore uga dhex qarxay Villa Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed