Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa khasaaraha dhimasho & dhaawac ee dagaalkii shalay ka dhacay Dayniile

Inkasta oo ay xaaladdu tahay mid degan xaafadihii lagu dagaallamay ee degmada Dayniile, haddana waxaa la xaqiijiyey geerida tiro dad ah oo ay carruur ku jirto, kuwaas oo ku dhintay dagaalkii halkaasi ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay, 4 ruux oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa ku dhintay dagaalka, waxaana kamid ahaa Musamil Yuusuf Cusmaan oo jiray 3 sano, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in iska hor imaadkaasi lagu dilay 4 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Xiisaddan ayaa la xiriirta howlaha dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka waddo baneynta dhulka danta guud ee Muqdisho, gaar ahaan degmada Dayniile oo maalmihii dambe ay ka jireen murano xooggan.

Dad badan oo ku nool xaafadda Warlaliska ayaa ka barakacay guryahooda, iyadoo dhinacyadu ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo dib u soo celin kara dagaalka iyo xiisadda ka taagan deegaanka.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed