War degdeg ah: Dagaalka toos ah oo ka socda Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal u dhaxeeya dad shacab ah oo hubeysan iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo gabal-dhicii caawa ka bilowday xaafadda Warlaliska degmada Daynile ee gobolka Banaadir.

Rasaas culus ayaa laga maqlayaa xaafadaha Warlaliska, halkaas oo maalmahan ay ka taagneyd xiisad ka dhalatay dhul lagu amray in ay shacabku iskaga guuraan.
Ilaa hadda lama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka, sababo la xiriira in dagaalku uu goordhow bilowday.

Sidoo kale, warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in dad shacab ah oo hub haysta ay si toos ah dagaal ula galeen ciidamada, taasoo sii kordhineysa xiisadda iyo cabsida laga qabo in iska horimaadku sababo khasaare dheeraad ah.

Laamaha ammaank gobolka Banaadir weli kama hadlin dhacdadaan iyo khasaaraha soo gaaray dhinacyada ku dagaallamaya Xaafadda Raadeerka ee Muqdisho.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed