Golaha Wasiirrada Xukuumadda Israa’iil ayaa maanta ansixiyay magacaabista safiirkoodii ugu horreeyay ee Somaliland, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah.
Israa’iil ayaa bartamihii bishan Abriil, waxay Michael Lotem u magacoeday safiirkooda Somaliland, balse aan ku sugnaan doonin Hargeysa sida ay sheegtay Wasaaradooda Arrimaha Dibedda.
Tallaabadan ayaa keentay falcelin ka timaadda dowladda Federaalka Soomaaliya, ururka Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta & Ururka dalalka Islaamka kuwaas oo oo ku sheegay in Israa’iil ay qaaday ficil wax u dhimaya madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.
Safiirka Israa’iil ee Somaliland Lotem ayaa horey u soo qabtay xilal safiirnnimo, wuxuuna soo noqday danjiraha Israa’iil Kenya, Azerbaijan and Kazakhstan. Michael Lotem wuxuu noqon doonaa safiir aan deggenayn ama joogi doonin Somaliland balse meelo ka baxsan hawlaha diblumaasiyadda ka sii wadi doona.
HBN ONLINE TV

