Dowladda Soomaaliya oo Baydhabo ka qaaday Ciidamo ka mid ah kuwii wax ka saaray maamulkii hore KGS

Magaalada Baydhabo ayaa maanta laga saaray ciidamada loo yaqaan Badbaadada Koofur Galbeed oo horay uga qeyb qaatay howlgalladii sababy in meesha lagaga saaro maamulkii hore ee gobolka ka jiray. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah sida la sheegay qorshe dib u habeyn amni oo ka socda Koonfur Galbeed.

Ciidamadan ayaa diyaarad looga qaaday Baydhabo sida xog aan helnay xaqiijsay, waxaana dib loogu celiyay degmada Buurhakaba, iyadoo la sheegay in arrintan ay la xiriirto dadaallo lagu yareynayo culeyska ciidamada ee xarunta gobolka Baay, xilli doorashooyin muhiim ah ay soo socdaan.

Saraakiisha ammaanka ee Koofur Galbeed iyo kuwa Federaalka ayaa yeeshay kulamo ay ku qiimeynayeen xaaladda amni, waxaana ugu dambeyn la isla qaatay in la dhimo tirada ciidamada magaalada ku sugan oo qaar ka mid ah lagu wareejiyo xeryo ciidan iyo in dib loogu celiyo fariisimihii awal laga soo saaray.

Dhanka kale, Baydhabo waxaa ka socda diyaar garowga doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha deegaanka iyo baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed, iyadoo la filayo inay dhowaan halkaas ka qabsoomaan, isla markaana ay magaalada ku soo wajahan yihiin musharrixiin iyo kormeerayaal kala duwan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed