Dowladda Soomaaliya oo saxiixday heshiis ku saabsan ilaailnta rayidka xilliyada dagaalka ay kula jirto Alshabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay heshiis ay saxiixday oo ku saabsan ilaalinta rayidka xilliyada lagu jiro dagaallada hubaysan sida kan Alshabaab, iyadoo noqotay dalkii ugu horreeyay ee Afrika ka hirgeliya Siyaasadda Ilaalinta Bed-qabka Rayidka. Heshiiskan ayaa ujeedkiisu yahay in la yareeyo sida la sheegay waxyeellada ka dhalata howl-gallada militari.

Wasiirka Gaashaandhigga Ahmed Moallim Fiqi oo Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Xarunta Ilaalinta Rayidka ee Colaadaha CIVIC ayaa la saxiixday heshiis is-afgarad lagu xoojinayo ilaalinta rayidka inta ay socdaan howlaha ciidanka.

Heshiiskan ayaa la sheegay in uu diiradda saari doono in la dhimayo khasaaraha soo gaara shacabka, isla markaana la hubiyo in howl-gallada militari ay waafaqsan yihiin shuruucda bini’aadantinimada ee heer qaran iyo caalami.

Dowladda Soomaaliya ayaa la carrabaabtay in heshiiskan uu taageeri doono hirgelinta siyaasadda qaranka ee ilaalinta rayidka, isagoo sare u qaadaya tababarka, isla xisaabtanka iyo xirfadda ciidamada qalabka sida si loo helo ciidan xirfad leh oo dhowra badqabka shacabka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed