Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa si kulul ugu eedeysay maamulka Puntland in uu xoog ku hayo magaalada Badhan, iyadoo tilmaantay in halkaasi lagu cabburinayo sida ay hadalka ay u dhigtay shacabka.
Eedeymahaan ayaa ka yimid Wasiirada Tamarta iyo Ganacsiga, xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Bidhaan Warsame iyo Jamaal Maxamed Xasan oo ka hadlay xaaladdan ka taagan gobolka Sanaag.
Wasiir Bidhaan ayaa qoraal uu soo saaray ku weeraray Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, wuxuuna sheegay in aysan suurtagal ahayn in bulsho lagu qasbo talo aysan rabin iyadoo la adeegsanayo sida uu yiri “awood ciidan” iyo “qori caaraddiis”.
“Waxaan filayey Madaxda Maamulada in ay berri hore garwaaqsadeen in aan bulsho lagu muquunin karin talo aysan rabin, waliba qori caaraddiis” ayuu yiri Wasiir Bidhaan.
Sidoo kale, Wasiir Jamaal ayaa sheegay in aan wax la qaadan karo ahayn duullaan uu tilmaamay in Puntland ku qaaday Badhan.
“Maaha arrin la aqbali karo falka xadgudubka iyo duullaanka ah ee maanta maamulka Puntland u geystay shacabka magaalada Badhan, oo loo adeegsaday rasaas nool. Maamulka Deni wuxuu u muuqdaa mid caadeystay ficillo guracan oo si toos ah uga dhan ah bulshada ku nool gobolka Sanaag” ayuu yiri wasiir Jamaal.
Dhanka kale Bidhaan wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Deni in uu adeegsanayo sida uu hadalka u dhigtay xoog iyo rasaas ka dhan ah shacabka ku sugan Badhan, xili uu ku tilmaamay falalkaasi kuwo lagu cabburinayo rabitaanka dadka deegaanka. Wuxuu sidoo kale sheegay in shacabka aan hubeysneyn ay la kulmayaan tacaddiyo culus.
Wasiirka ayaa ugu baaqay hoggaanka Puntland inuu joojiyo wuxuu ugu yeeray “san-dullaynta rabitaan” ee colaadda iyo tallaabooyinka militari ee ka socda Badhan, isagoo uga digay in xaaladdaasi ay keeni karto xiisado hor leh iyo xasillooni darro sii kororta.
Ilaa hadda Puntland kama aanay jawaabin hadaladan ad adag ee ka soo yeeray wasiir Bidhaan iyo Jmaal.
HBN ONLINE TV

