Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya rabshado u dhexeeyay dad banaanbaxayaal ah iyo ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin kuwa Puntland oo maanta ka dhacay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.
Xogaha hordhaca ah waxay tilmaamayaan in xaalad amni darro iyo qalalaase uu ka dhashay dhacdadaasi, waxaana ilo madax banaan ay sheegayaan in Muddaharaadyadan ay ka dhasheen diidmo loo muujinayo safar lagu wado inuu Badhan ku tago Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayna si cad uga soo horjeedaan.
Muuqaalo ku baahay baraha bulshada maanta ayaa muujinaya qiiq iyo uuro cirka isku shareeray kadib markii la gubay taayiro, iyadoo la arkayo banaanbaxayaal u badan dumar iyo ciidamo wata gaadiid qorya culus saaryihiin oo gacan ka hadal dhexmarayo.
Sidoo kale, waxaa la soo sheegayaa in dad badan la xiray intii uu socday iska hor imaadkan. Lama oga inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha rayid iyo ciidan ee ka dhashay dhacadaani maanta ka dhacday magaalada Badhan.
Ilaa hadda maamulka Puntland wax war rasmi ah kama soo saarin isku hor imaadkii, inkastoo la sheegay in ciidamada maamulkaasi ay rasaas u adeegsadeen shacabka banaanbaxa dhigayay.
Badhan ayaa horey u ahayd goob ay ka dhaceen khilaafaad la xiriira maamulada kala duwan ee ka jira gobolka Sanaag, iyada oo dadka magaaladan ka qayb qaadateen doorashooyinkii Puntland ee 2023.
HBN ONLINE TV

